Nairobi-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta, ayaa maanta kulan saacado badan qaatey ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Kenya ee magaalada Nairobi.
Labada Madaxweyne ayaa isla gorfeeyay arrimaha qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, arrimaha amniga, iskaashiga dhaqaalaha, isku socodka shacabka labada dal, arrimaha gobolka iyo caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal, wax alaale wixii caqabado ah oo jirana ay si wadajir ah u xaliyaan.
“Soomaaliya iyo Kenya xulashada keliya ee ay haystaan waa inay ku noolaadaan derisnimo wanaag iyo wax wadaqabsi. Waxaan xaqiijinayaa in Soomaaliya ay daa’imi doono saaxiibtinimada iyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhexeeya Kenya’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




