Puntland oo soo bandhigtay Askar ay sheegtay in ay ka soo goosteen Somaliland

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Boqol iyo Lixdan Askri oo ay sheegeen in ay ka soo goosteen Maamulka Somaliland, kuwaasi oo ku labisan Dareeska Millitariga, watana hubkooda.

Askartan oo lagu soo bandhigay degaanka Carro Weyn oo ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta bandhiga xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Puntland.

Gaashaanle Sare C/risaaq Cusmaan oo ka mid ahaa Askarta ka soo goosatay Somaliland ayaa sheegay sababta ay u soo goosteen in ay tahay markii ay u dulqaadan waayeen qaladaad badan oo lagu sameeyay, taasina ay keentay in ay ku biiraan Puntland.

Saraakiil  ka tirsan Maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland ay la socdaan xaaladda Ciidankan islamarkaana ay saraakiisha salaan ugu dhiibeen.

“Een waxaan soo dhaweyneynaa Ciidamadan cusub, si niyad ah ku soo dhowaada, waxaan salaan adinkaga sidaa Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland, hadal badan maba dhihi karo, waan faraxsanahay.” Ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Puntland.

Ilaa hadda Maamulka Somaliland gaar ahaan Saraakiisha kama aysan hadlin warkan ka soo yeeray Puntland ee ku aadan in Ciidamada Somliland ka soo goostay ay ku biireen Puntland.