Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in weli maamulkooda uusan soo gaarin lacagtii Halka milyanka aheyd ee uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Kheyre amray in la siiyey Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi oo kamid ah Xybnaha Guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19 ayaa sheegay in weli aysan soo gaarin lacagtii ay balan qaaday Dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay isaga oo ka jawaabayay Su’aal ay Wariyeyaasha weeydiiyeen in lacagta Dowladda u fasaxday Dowlad Goboleedyada,hayeeshee aysan weli helin balse ay rajeynayaan inay soo gaarto si wax looga qabto ka hortegida COVID19.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Jubbaland uu sheegay in maalin walba ay fiiriyaan Akoonada Jubbaland,isla markaana weli aysan helin lacagtii uu balan qaaday Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka.




