Puntland oo maanta maxaabiis ka siideyneysa xabsiga Garoowe

Maamulka Puntland ayaa maanta maxaabiis ka siidaynaya xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa laga dareemaya sii daynta la filaya in ay saacadaha soo socda ay sameeyaan madax ka tirsan  maamulka Puntland.

Tirada maxaabiista laga siidaynaayo xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa la sheegaya in ay dhan yihiin ku dhawaad 33 maxbuus.

Saraakiil ka tirsan xabsiga dhexe ee Garoowe ayaa Risaala u xaqiijiyay arinta ku aadan sii daynta maxaabiista ku jirta xabsiga magaalada Garoowe.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhawaan cafis u fidiyay  qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe ee Garoowe.