Daawo Sawirada Madaafiic xalay lagu garaacay Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xalay magaaladaasi lagu garaacay madaafiic aad u culus.

Madaafiic ayaa la sheegaya in ay ku dhaceen xarumo kala duwan oo ah magaalada Baydhabo sida ay idaacadda Risaala ay u sheegeen madax ka tirsan maamulka Koofur Galbeed.

ilaa iyo hada inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana  way ku dhaawacmeen  sida uu kusoo waramaayo wariyaha Risaala ee magaalada Baydhabo.

Dadka ku dhintay madaafiicda xalay lagu tuuray Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah ilmo yar.

Kudhawaad 20 kale oo dhaawac ah  ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay kuwaa soo   waxyeelo ka soo gaartay madaafiicdii lagu garaacay Baydhabo.

2 33 - Copy 8 7 6 5 4--