Ayadoo xarunta dhexe ee idaacadda Risaala ay ka socdaan tartamo kala duwan ayaa maanta waxaa la soo gabagabeeyay tartanka shareecada islaamka oo ka mid ahaa barnaamijyada loogu talay bisha barakaysan ee Ramadaan.
Tartanka Shareecada islaamka oo ay ka faaidaysteen bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu tartamaayay su’aalo loogu talagay ka qeyb galayaasha Barnaamijka tartanka Shareecadda islaamka ee idaacadda risaala.
Ugu dambeyntii waxaa kaalinta 1 aad, 2 aad iyo kaalinta 3 aad ku guuleystay 3 gabdhood.
Tartamayaasha guuleystay ayaa la filaya in la abaal mariyo maalmaha soo socda.



