Wasiirka amniga maamulka Puntland Cabdi Cali Xersi Qarjab ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garowe kaga hadlay la wareegitaanka deegaanka Garacad ee gobolka Mudug iyo deegaano ka tirsan oo gobolka Nugaal.
Puntland ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya aysan ka marneyn duulaanka lagu qaaday Puntland ee lagu qabsaday degmada Garacad, wallow ciidamadii deegaanka qabsaday ay isaga baxeen.
Wasiir Qarjab wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay ku sugan yihiin deegaankii shalay gelinkii dambe laga qabsaday maamulka Puntland oo xaalada ay tahay mid degen, laakiin wali ay jiraan cabsi dadka deegaanka heysata.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama marna duulaanka nala ku soo qaaday”ayuu yiri wasiir Qarjab.
Wasiirka wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya aysan ka marneyn iney door ku leedahay qaabka loola wareegay deegaank Garacad oo ciidamadii qabsaday isaga baxeen iyaga oo badda aan ku laaban kuna lugeeyay dhanka waqooyi ee magaalada.


