Puntland oo karantiishay dad looga shakiyey COVID19

Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa shaaciyey inay karantiileen 7 Ruux oo looga shakiyey inay qabaan Cudurka COVID-19.

Guddiga ayaa waxaa ay ka codsadeen Shacabka deegaannada Puntland in aysan qarsan Cudurka,sidoo kalena looga baahan yahay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka.