Puntland oo ka digtay in wax ka bedel lagu sameeyo heshiiskii Madasha Wadatashiga

Bosaaso-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa digniin culus ka soo saartay arrimaha ka socda magaalada Muqdisho, gaar ahaan qorshaha la xariira in wax laga bedelo heshiisyadii Madasha Wadatashiga Qaran.

Waxaana ay sheegtay in ay dhamaan meesha ka bixi doonaan Tanaasulaadkii ay Puntland horey u sameysay.

Shirka Golaha Xukuumada ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ay Puntland u aragto in ay Baarlamaanka Soomaaliya doonayaan in ay sii joogaan kuraasta.

Sidaas oo kale Fariin deg deg ah ayaa loo diray Beesha Caalamka iyo dawladdaha deriska ah oo heshiisyadan wax ka saxiixay, waxaana la sheegay in haddii aan wax laga qaban arrimaha socda Puntland talaabo qaadan doonto.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA

1111