Soomaaliland ayaa maalin ka hor Puntland ku eedeysay in ciidamadeeda ay weerar kusoo qaadeen deegaanka Ganbara ee Gobolka Sool halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliland.
Hayeeshee Puntland ayaa iska fogeysay eedeymahaas, wasiirka warfaaafinta Puntland Cali Xasan Axmad ayaa sheegay in Maamulka Puntland uusan wax lug ah ku laheyn dagaalkaas,islamarkaana laga been abuurtay.
Waxa uu sheegay Wasiirka in dadka halkaasi ku wada dagaalamay ay ahaayeen maleeshiyo deegaanka ah oo Puntland aaney wax Shaqo ah ku laheyn.
Deegaankaasi Ganbara oo qiyaastii 30 kiilo-mitir u jira magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ayaa Maalin ka hor waxaa ku dagaalamay Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliland iyo kuwa uu hoggaamiyo Sarkaal lagu Magacaabo Faysal Falaalug.



