Puntland oo ciidamo cusub geysay gobolka Sool

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland la geeyay deegaanka Bixin, kuwaasi oo la doonayo iney adkeeyaan amaanka deegaanka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamo aan ka tirsaneyn maamulka Puntland lagu arki karin deegaanka Bixin iyo deegaanada Hoostaga ee gobolka Sool.

Deegaankaasi iyo deegaano kale oo ka tirsan Sool ayaa maalmahaan waxaa ka taagnaa xiisad u dhaxeyo Somaliland iyo maamulka Puntland, balse warsaxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in deegaankaasi ciidamadooda ay maamulaan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa shaaciyay in deegaanada Puntland aysan kusoo xad gudbi karin dad kale islamarkaana aan lagu qaadan karin wax hub ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka

WAR-MURTIYEED-March-6-2016_0001