Maxamed Xaaji Xuseen gudoomiyaha degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Al-shabaab uu isku dhiibay ciidamada dowlada ee kusugan degmadaasi.
Gudoomiyaha degmada Qoryooleey ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowlada ay sarkaalkaasi usoo wareejiyeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Sarkaalka ayuu magaciisa ku sheegay Maxamed Xaaji Cali, kaasi oo sheegay inuu ahaa amiir Alshabaab ka tirsan, sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Qoryooleey.
Hayada amaanka dowlada ee Muqdisho ayuu sheegay in lagu wareejinayo sarkaalkaasi oo markii hore Al-shabaab ka tirsanaa.