Puntland oo bilowday Maxkamadeynta Maxaabiistii Al-Shabaab

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa bilaabay Maxkamadeynta Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu qabtay dagaaladii Bishii Maarso ka dhacay deegaano ka tirsan Nugaal iyo Mudug, halkaasoo ay doonyo ku gaareen.

Sida ay sheegayaan wararka Maxkamadeynta ayaa isniintii la soo dhaafay ka bilaabatay Xabsiga Garowe, oo ay xafiis ku leedahay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland

Wararka ayaa sheegaya in Maxkamadu ay kala saaris ku bilowday Maxaabiista, kuwaas oo isugu jiray caruur iyo dad waa weyn.

Sarkaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Sida ayaa sheegay in la maxkamadeynayo dadka waa weyn oo kaliya, maadaama maxaabiistii horay loo qabtay ay isugu jireen carruur iyo dad waa weyn.

Warbaahinta ayaa loo diiday in ay ka qeyb gasho maxkamadeynta, iyadoo la sheegay in maalin kasta afar maxbuus la soo taagayo Maxkamadda, kuwaas oo la sheegay in loo qabtay qareeno u doodaya.

Puntland ayaa horay u maxkamadeysay xubno lagu soo eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab, hase ahaatee maxaabiista la maxkamadeynayo ayaa noqonaya kuwii ugu horeeyay ee lagu qabto dagaal toos ah.