DHAGEYSO: Puntland “Hala joojiyo dagaalada ka dhacaya Sool”

Garoowe-RisaalaFM- Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa baaq nabadeed udiray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Sool.

C/xakiin Camey Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo sidoo kalena xilligan loo baahneyn dhiig iyo colaad balse la doonayo in isu soo dhowaansho la abuuro.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/laahi Cumar ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka qayb qaataan ka shaqaynta nabadgalyadda iyo hormarka goboladda Puntland.

Dhowaan ayay aheyd markii dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa dhowaan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Sanaag iyo Sool.