Kooxda Juventus ayaa guul weyn ka gaartay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Torino, kadib markii ay ku garaacday 4-1.
Qadka dhexe ee reer France Paul Pogba ayaa goolasha udaah furay Juventus kadib markii uu daqiiqadii 33-aad uu dhaliyay free Kick ama laadka xorta ah.
Daqiiqadii 42-aad ee ciyaarta Sami Khedira ayaa hogaanka udheereeyay kooxda Juventus isagoo ciyaarta ka dhigay 2-0, sidaas ayaana lagu kala nastay.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Torino ayaa heshay gool, waxaana uu ahaa rigoore uu dhaliyay Andrea Belotti, ciyaarta ayaana noqotay 2-1.
Alvaro Morata oo ciyaarta badal kusoo galay kadib markii uu dhaawacmay Dybala ayaa labo gool oo deg deg ah dhaliyay daqiiqadihii 63-aad iyo 68-aad, waxaana goolashaas ku lug lahaa oo caawiye ka ahaa Paul Pogba.
Juventus ayaa waxaa kaarka gaduudan ka qaatay Sami Khedira kaas oo rooso toos ah loo taagay dhamaadkii ciyaarta.
Guusha ay gaartay Kooxda Juventus ayaa ka dhigeysa iney sii dheereysato hogaanka horyaalka, waxaana ay lix dhibcood ka koreysaa kooxda Napoli oo goordhow la ciyaareysa naadiga Genoa.
Goolhaye Buffon ayaa kulankan taariikh cusub dhigay kadib markii uu noqday goolhayihii waqtiga ugu dheer aan gool laga dhalin inkastoo uu jabay rikoorkii Juve ee ahaa in 10 kulan wax gool ah aan laga dhalin.