Sarkaal ka tirsan Kooxda Xaqqaan ee dalka Afghanistaan ayaa xaqiijiysay in uu geeriyooday Ninkii Aas Aasay Kooxda, ka dib Xanuun soo wajahay.
“Ninkii aasaasay shabakadda Xaqqani ayaa dhintay ka dib sannado badan oo uu xannuunsanaa Afghanistan” Waxaa siddaasi laga soo xigtay Hoggaamiye ka tirsan Kooxda Taliban.
Jalaluddin Haqqani ayaa ahaa xubin muhiim u ah dadka jihaaddoonka ah ee Afghanistaan ku sugan, wuxuuna xiriir dhaw la lahaa Taliban iyo Al-Qaacida.
Wiilkiisa ayaa la rumaysan yahay in uu masuuliyadda shabakadda kala wareegay 2001 dii.
Shabakadda Xaqani ayaa ka dambaysay weerarro badan oo abaabulan oo sannadihii u dambeeyay lagu bartilmaameedsaday ciidammada xoogagga Nato.



