Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa 39 sano ku xukuntay nin lagu magacaabo Anthony Sawina, kasoo lagu eedeeyay in uu toogasho ku dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo baabuur saarneyd Sanadkii hore.
Qaadiga Maxkamadda Federaalka ee degmada Dinkytown ayaa sheegay in ninkaasi uu dhalinyaradda Soomaaliyeed uu xabado ku furay xilli ay ka yimaadeen Garoon ku badda lagu cayaaro.
Anthony Sawina ayaa qirtay in uu ka dambeeyay falkaasi ,islamarkaana ay ku dhiira geliyeen xubno ka tirsan qoyskiisa.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in falkaasi uu ahaa mid ku saleysan Islaam Naceyb.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay Anthony Sawina in uu isku dayay in uu waxyeelo u geysto dad badan oo muslimiin ah.



