Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa markale ku guul dareysatay dadaalo ay ku dooneysay xayiraad ay kusoo rogto muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah inay soo galaan wadanka Mareykanka muddo sagaashan cisho ah.
Maxkamad racfaan oo ku taala gobolka San Francisco ee dalka Mareykanka ayaa ayidday go’aan ay maxkamad horay u gaadhay oo ahaa inaan wax xayiraad ah aan la saarin muwaadiniinta lix dal oo Muslimiin ah, balse maxkamadu waxaa kale oo ay sheegtay in dowlada Mareykanka loo ogolaaday inay dib u eegis ku sameyso hanaanka turxaan bixinta ee dadka soo galaya Mareykanka.
Waxaa lagu wadaa in kiiskani uu ku dambeyn doono maxkamadda sare ee dalka Mareykanka.
Xeerilaaliyaha guud ee Maraykanka Jeff Sessions ayaa sheegay in uusan taageersanayn go’aanka maxkamadda, “weerarradii dhawaan ka dhacay dalka Maraykankana ay xaqiijinayaan in halistu ay tahay mid degdeg ah oo dhab ah”



