Maamulayaasha Nayjeeriya ayaa sheegay in hogaamiyaha koox islaamiyiin ah oo la yiraahdo Ansaru, lalana xiriirinayo Al Qaacida la xiray.
Afhayeenka milateriga ayaa sheegay in Khalid Al Barnawi lagu qabtay gobolka bartamaha ee Kogi.
Maraykanka ayaa ninkaas madaxiisa dul dhigay 5 Malyan oo Doollar.
Ansaru waa koox ka go’day kooxda Boko xaraam, Waxaana lagu yaqaannaa afduubka ajaanibta, ayadoo lagu eedeeyey dilka tiro dad ah oo reer galbeed ah.
Ansaru waxay sheegeen inay qaadeen weerar lagu qaaday xabsi aad loo ilaaliyo oo ku yaalla caasimadda Nayjeeriya ee Abuja 2012, ayagoo oodda ka qaaday trio maxaabiis ah.


