Bartilmaameedka Chelsea Manuel Neuer ayaan dooneynin inuu ka tago kooxda Bayern Munich.
Qandaraaska uu kula joogo kooxda waxa uu ku egyahay 2021.
Laakiin Neuer ayaan dooneynin inuu ka tago kooxda heysata horyaalka Jarmalka, inkastoo 34 jirkaan uu doonayo heshiis waqti dheer ah.
Sky ayaa soo jeedineysa inuu u dhaqaaqo Chelsea macquul ma ahan, maadaama arrimaha u dhexeeya Bayern iyo Neuer ay yihiin kuwo la xalin karo.
Waxa kaliya doonayaa inuu booska kala baxo Alexander Nubel oo haatan kula dagaalami doona booska koowad.
Goolhayaha Schalke 04 ayaa ku biiraya Bayern xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu tartan adag siin doonaa Neuer.
Haddii uu yahay dooqa koowaad ee kooxda Bayern, Neuer waxaa laga yaabaa inuu beddelo fikirkiisa ah inuu baxo



