Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Galabta lagu qabtey doorashada guddoomiye kuxigeennada Baarlamaanka koonufr Galbeed,iyada oo maanta duhurkii Dr Cali Saciid Fiqi loo doortey Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku tartamey Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo haley Codad gaaraya 84 cod halka Amina Isxaaq Maxamed oo la tartameyseyna ay heshay 8 cod,waxaana guddiga ay ku dhawaaqeen in Maxamed Nuur Maxamed Macalin uu ku guuleystay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale Guddoomiye Kuxigeenka Labad ee Golaha Wakiilada KGS ayaa waxaa ku guuleystay Shamso Mohamed Yarow oo ay san jirin Cid La tartameysay waxana loogu Codeeyay Gacan taag waxana ay heshey Codad gaareya 92 majirto cid diidey ama ka Aamustey.
Maanta ayaa sirasmi ah ay u dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxiegen,waxaana xusid mudan in doorashada Maanta aysan aheyn mid xiiso laheyd maadaama badi la sii ogaa dadka guuleysanaya.



