MW Xasan Sheekh oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu tagay Askar ku soo dhawaacmay dagaalka lagula Jira Al-shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya  Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uga hor tagey qaar ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku soo dhaawacmey dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Khawaarijta ee caadeysatey daadinta dhiigga shacabka., sida lagu sheegay qoraalka ka zoo baxay Xafiiska madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Allah uga baryey inuu caafimaad taam ah siiyo geesiyaasha dhaawaca ah ee habeen iyo maalin u taagan difaaca diinta, dadka iyo dalkeenna hooyo.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada dagaal cirka iyo dhulka ah oo lagu sifeynayo  kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka qaarkood.