Maxaa ka socda hotel ku yaala Beledweyne oo la weeraray

Muddo ku dhow 10 saacadood oo rag ka tirsan Al-shabaab ay ka dhex dagaalamayeen hotel ku yaala xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledwyene ayaa la soo afjaray.

Weerarka lagu ku qaaday hotel Qaahira magaalada Baladweyne waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac leh.

Inta la xaqijiyay dad toban qof kor udhaafaya ayaa geeriyooday oo afar ka mid ah ay yihiin odayaal dhaqameed hotellka deganaa.

Hotelka maalmihii dambe waxaa ku sugnaa Odayaasha degaanka iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo qorayay ciidamo Macawiisley oo qeyb ka noqdo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore hotelka, kadibna waxaa galay koox ka mid ah Al-Shabaab, Qarax labaad ayaa ka dhacay bananka hotelka midkaas oo ahaa mooto ah waana qarax khasaaraha badiyay geystay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

ciidamada Amniga iyo kuwa midowga Afrika ee AUSSOM ayaa weli la dagaalamaya kooxda weerarka ku qaaday Hotelka.

Maamulka G/Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada ammaaanka ay soo afjareen kooxdii weerarka ku qaaday hotelka ku yaala magaalada Beledweyne, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in weli dagaal uu ka socda gudaha hotelka

Dhankiisa wasiirka caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji ayaa sheegay in Al-shabaab marka loogu adkaaday dagaalka ka socda Gobolka Shabeelada dhexe ay qarax ku xasuuqeen dadka shacabka ah, isagoona wacad ku maray in dadka degan galbeedka Hiiraan ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-shabaab.

Beelaha degan Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jiray maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo badanaa ka saaray dhulka Hiiraan, iyado hadda dagaalo qarar ay ka socdaan Shabellada dhexe.