Ciidamada ammaanka oo weli la dagaalamaya Rag hubeysan oo ku jira gudaha Hotel ku yaala Beledweyne.

Wararka laga helayo hotelka Qaahira ee magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in weli Ciidamada ammaanka ay la dagaalamayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo maanta weerar ku bilowday qaraxyo ay ku qaadeen hotelka.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ay ku biireen dagaalka ka socda gudaha hotelka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo qof oo hubeysan ay weli ka dhex dagaalamayaan gudaha hotelka.

Weerarka ayaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 10 qofood oo ay ku jiraan nabadoono deganaa hotelka.

Kol sii horeysay maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in la soo afjaray maleeshiyaadka weerarka ku qaaday hotelka, balse Anfurka kadib ayaa rasaas laga maqlay gudaha Hotelka

Goobta la weeraray ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka socday abaabul dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana waday dadka ka soo jeeda galbeedka gobolka Hiiraan.