Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo hoostaga degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug.
Ciidamada oo howlgalka fuliyay ayaa la sheegay in ay gubeen gaadiid dagaal oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.
Saraakiisha ciidamada xoogga ayaa sheegay in sidoo kale ay burburiyeen saldhigyo ay kooxda ku laheyd deegaanka uu howlgalka ka dhacay.
Gobolka Mudug ayaa waxaa ka socda dagaal ka dhan maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaasi oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay kooxda.
Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa laba jibaaray howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.



