Alle ha u Naxariistee waxa dalka koonfur Afrika dhaawac kasoo gaaray xalay shil gaari ugu geeriyooday mid kamid ah Soomaalida ganacsi ahaan u tegay gudaha dalkaas.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Shariif ayaa geeriyooday, kadib markii uu la rogmaday gaari uu saarnaa xilli ay ku sugnaayeen Magaalada Durban Ee Dalkaan Koonfur Afrika.
Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika iyo qaar kamid ah Soomaalida ku nool Magaalada Durban ayaa u gurmaday muwaadinka Soomaaliyeed markii uu shilka galay, hayeeshee dhaawac culus oo gaaray uu u geeriyooday.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool Soomaali u badan Ganacsato, waxana inta badan Burcad Koonfur Afrikan ah ay kala kulmaan, dil, dhaawac iyo in la boobo hantidooda.



