Muqdisho-RisaalaFM- Guud ahaan dunida Islaamka ayaa maanta si weyn looga Ciiday maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, maadaama ay xalay dhalatay Bisha Shawaal.
Shacabka Muslimiinta ayaa saakay labada Rakac ee salaada Ciidul Fidriga waxa ay ku Tukadeen Barxadaha iyo Masaajidada waa weyn, halkaasi oo ay isugu yimaadeen Rag iyo Haween.;
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa salaada Ciida kula tukaday Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka kumanaan shacab ah.
Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad jeediyay salaada kadib ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan hormarka dalka.
Wadooyinka waa weyn ee Muqdisho ayaa waxaa isugu baxay Dadweyne fara badan, kuwaasi oo isugu jira Haween, Caruur iyo Rag, waxaana ay isugu hambalyeynayaan maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.
Degaanada ay maamulaan Shabaabka ayaa sidoo kale maanta laga Ciiday, inkastoo degaanada ay maamulaan Ahlusuna aanan laga Ciideyn.



