Mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Minneapolis

Boqolaal qof oo si nabad galyo ah u mudaharaadaya ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Minneapolis.

Waxay diidanyihiin go’aan dacwad oogayaasha gobolka Minnesota, ku gadheen in aan wax dacwad ah lagu soo oogin askar boolis ah oo lagu eedeeyay in ay nin madow ah ku toogteen magaalada bishii November ee kal hore.

Mike Freeman, oo ah xeer ilaaliye ayaa shir jaraa’id ka sheegay in, Jamar Clark, oo ahaa ninka la dilay uu askarta la dagaalamay oo uu isku dayay inuu baastooladda ka qaado mid ka mid ah askarta.