Mucaaradka Congo oo diiday talada Midawga Afrika

Isbaheysiga mucaaradka ee dhawaan laga sameeyay dalka Jamhuuriyadda dimurqaadiga ee Congo, ayaa diiday isku day dhawaan ay sameeyeen Midowga Afrika oo ku saabsanaa in la bilaabo wadahadalo qaran.

War qoraal ah oo ay soo saareen kadib kullan deg-deg ah, ayaa kooxdan waxa ay ku eedeeyeen ninka dhexdhexaadiyaha u ah Midowga Afrika ee Edem Kodjo ay ka go’antahay in uu xaqiijiyo in madaxweyne Joseph Kabila uu mar saddexaad uu isa soo sharaxo arrintaas oo ah in si cad loo diiday dastuurka.

Waxay ku baaqayaan banaan bax guud maalinta talaadada ah, oo ah maalintii uu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Togo uu u diyaariyay wadahadalo kaddib markii dowladda ay sii daysay qaar ka mid ah maxaabiistii siyaasadda u xirnaa.

Doorasho ayaa la filayay in la qabto bisha November, laakiin dib ayaa loo dhigay iyada oo maxkamadda ugu sareysa Congo ay sheegtay in Kabila uu xafiiska sii joogi karo inta ay doorashada dhaceyso.