Barcelona ayaa siisay fasax Claudio Bravo kasoo seegay tababarkii maanta xili heshiis uu kula jiro kooxda Manchester City.
Barca ayaa 6-2 ku xaaqday Real Betis xalay, agaasimaha isboortiga kooxdan Robert Fernandez ayaa shaaca ka qaaday in heshiis uu la gaaray Bravo kooxda ku ciyarata Etihad Stadium.
Talaabadan ayaa u muuqata mid kooxda Manchester City ay ku dhameystiri doonto heshiiska ciyaaryahanka goolka qabta.
Barcelona ayaa si rasmi ah Twitter u soo dhigay: “Claudio Bravo in uu seegay tababarka islamarkaana loo ogolaaday Lix Ciyaaryahan Oo Barca B in ay ka qeyb qaataan tababarkii maanta”
Xiddiga Chile ayaa si xoogan loola xiriirinaayey inuu u dhaqaaqayo kooxda Manchester City, Pep Guardiola ayaana u arkaya bedelka Joe Hart.
Goolhayahan reer Chile ayaa lagu wadaa in uu u duulo England si uu caafimaad u maro maalmaha soo socda.


