Suarez ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 ee horyaalka La Liga sidii uu ku dhammeystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, iyadoo Lionel Messi uu sidoo kale uu laba gool dhaliyey Arda Turan ayaana goolka kale shabaqa ku hubsaday.
Barca ayaa lix daqiiqo u baahatay si ay goolasha u daahfurato kulankaan, kubadsameeyaha reer Turkey Arda Turan ayaana hogaanka u dhiibay. Si kastaba ha ahaatee, Ruben Castro ayaa laad xor ah goolka barbardhaca ugu dhaliyey Real Betis 15 daqiiqo ka dib,
Ka dib goolkii Castro, Barcelona ayaa xanaaqday isla markaana shan goo loo kale dhalisay, Lionel Messi ayaa laba gool dhaliyey, halka Suarez uu seddaxleey dhaliyey. Castro ayaana markii labaad laad xor ah ka dhaliyey Barca oo ku ciyaareysay garoonkeeda Camp Nou.
Luis Suárez ayaa haatan dhaliyey todobo seddaxleey tan iyo bilowgii xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waana seddaxleey ka badan ciyaaryahan kasta oo ka ciyaara shanta horyaal ee ugu sarreysa Yurub.
Tani waxay farriin u tahay Real Madrid, oo caawaa ciyaari doonta kooxda Real Sociedad, Barcelona ayaana adduunka u muujineysa sababta ay u tahay horyaalka La Liga, oo ay markeedii 24aad qaaday xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.


