Joel Campbell Oo ku biiray Kooxda Reer Portugal Ee Sporting Lisbon

kooxda reer Portugal ee Sporting ayaa ku dhawaaqday saxiixa amaahda ah ah ee xiddiga kooxda Arsenal Joel Campbell.

Campbell ayaa u ciyaaray 19 jeer oo Premier League ah xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Gunners, lakiin boos la ,aan joogta ah oo kooxda ku heystay ayaa ku qasabtay in uu markale Amaah ku dhaqaaqo.

xiddiga Costa Rica ayaa dhaliyay seddex gool oo horyaalka ah xili ciyaareedkii hore, laakiin xilli ciyaareedkan ayaa laga waayay qorshaha kooxda Arsene Wenger ee ka dhisan kooxda Waqooyiga London.

Campbell ayaa go’aansaday in uu u dhaqaaqo kooxda Sporting Lisbon si uu ololihiisa ciyaareed sare ugu qaado xili ciyaareedkaan.

Campbell ayaa Tweets ee si rasmi ah ay ugu baadisay heshiiskiisa Amahda ah kooxda reer Portugal ee Sporting maanta.