Mourinho Oo XalKa Manchester United Ka Raadinaya Kooxdiisa Hore Ee Chelsea

Kooxda Manchester United ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo soo xera gelinta Da’yarka Chelsea James

Macalinka Manchester United Jose Mourinho oo cadaadis badan uu fuuli doono hadii isbedel uu naadiga ku sameyn waayo ayaa hada sii calaameysanaya xidigaha uu la wareegi doono Bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Wargyeska The Sun ayaa helay sheeko tilmaameysa in Mourinho kooxdiisa hore ee Chelsea uu ka doonayo 16-jirka mucjisada ah ee Chelsea Reece James.

Red Devils ayaa tartan xoogan kala kulmeysa Kooxo ka dhisan horyaalka England.

Reece James ayaa si weyn looga qiimeeyaa Naadiga Chelsea waxaana la aaminsan yahay inuu ka mid noqon doono Xidigaha magaca ka sameeya kubada cagta.