Liverpool Oo Soo Iibsaneysa Messi kale

Liverpool ayaa isha ku heysa Da’yarka naadiga FC Rostov Sardar Azmoun, kaasoo loo yaqaano Messi-ga Iran, maadaama uu u qaab ciyaareed eg yahay Lionel Messi.

Majadalada caanka ah ee Liverpool Echo ayaa soo qortay in Marka uu suuqa furmo bisha Janaayo ay Reds-ka isku dayi doonto soo xera gelinta xidigaan mustaqbalka fiican ku leh ciyaaraha.

Macalin Klopp ayaa ka mid Tababarayaasha ku fiican inay soo saaraan xidigaha tayada leh waxaana si weyn loogu xasuustaa Mario Cotze,Robert Lewandwiski iyo ciyaarto kale.