Kooxda lagu naaneeso Blues ayaa ku garaacday tartanka xidigaan Naadiga Serie A afar sano ka hor markuu ka soo tagayay Brazil.
Oscar ayaa kaliya ku soo bilowday xilli ciyaareedkaan Sedex kulan, waxaana taas ay sababi kartaa in laacibkaan uu u hanqal taago Horyaalka Talyaaniga.
Macalin Antonio Conte ayaa bedelay go’aankii saacadihii ugu dambeeyay Suuqa kala iibsiga xilli ciyaareedkaan bilowgiisa markaasuu qorshaha uu ahaa in la iibiyo Oscar.
Oscar, oo 25-sano jir ah ayaa wadarta guud uu Chelsea u ciyaaray xilli ciyaareedkaan waxay tahay 7-kulan oo Sedex ka mid ah uu ku soo bilowday halka Afarta kalena bedel uu ku soo galay, wuxuu booska koowaad ee kooxda uusan ku soo bilaaban labadii Bil ee na dhaaftay oo Conte uu ciyaarayay shaxdiisa cusub ee 3-4-3.
Sida aan ka soo xiganeyno jariirada Evening Standard, waxay tilmaameysa in Inter ay rajo fiican ka qabto inay dhageysato Chelsea yaboohyada ay heleyso bisha Janaayo, waxaana laga siisan doonaa hadii ay aqbalaan Oscar lacag gaareysa £30milyan.


