Dumarka madow ee England, ayaa ku dhawaad laba jibaar ay u badan tahay in laga helo kansarka naasaha oo faafay marka la barbardhigo dumarka cadaanka, sida ay sheegtay Cancer Research UK iyo hayadda caafimaadka bulshada ee England (Public Health England).
Cudurka oo aad u faafay ayaa laga helaa ilaa 25% dumarka Afrikaanka iyo 22% dumarka Caribbean-ka ee qaba kansarka naasaha.
Dumarka cadaanka ee qaba kansarka naasaha ayaa 13% laga helaa isagoo faafay.
Qabiirada ayaa sheegaya inay waxyaabo badan sabab u yihiin. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan la ogayn waxyaabaha lagu garto iyo inaan la isbaarin.
Sida ay sheegtay Cancer Research UK, dumarka madow ayay u badan tahay inaysan aadin isbitaalka markii isbitaalka looga yeero si loo baaro oo loogu sameeyo mammogram marka la barbardhigi dumarka cadaanka.
In la helo kansarka waqti hore ayaa muhiim ah sababtoo ah markii la daaweeyo waqti hore, natiijada ayaa fiicnaata.
Kansarada naasaha intooda badan ayaa wali la helaa waqti hore, sida ay sheegayso xogta 2012-2013.
Dr Julie Sharp, oo ka tirsan Cancer Research UK, ayaa sheegtay: “Hadaad aragtid wax aadan ku arki jirin naaskaaga ama aad dareentid xanuun aan dhamaanayn ama sii xumaanaya, inaad si dhaqso ah isku baartid naftaada ayay badbaadinaysaa.”


