Mid ka mid ah guurkii ugu qaalisaa aduunka oo shan maalmood soconaya ayaa dabaalddeggiisu ka socdaa koonfurta Hindiya gobolka Karnataka.
Maalqabeen lagu magacaabo Janardhana Reddy oo ka ganacsadda macdanta horeynna u ahaa wasiir gobolleed ayaa la sheegay in u ku bixinayey aduun lacageed oo gaaraya 74 milyan oo doolar guurka gabadhiisa oo ka dhacaya magaalada Bangalore.
Qarash bixintan caqliga ka baxsan waxay dhalisay in si wayn loo dhalliilo iyadoo malaayiin Hindi ah ay la daalacdhacayaan dhibaato ka dhalatay Bangiyada oo laga la’yahay in lacagihii nuqulka ahaa.
Eedeymaha ayaa waxaa ka mid ah in tani tahay dhaqan xun oo lagu soo bandhigayo tujaarnimada.
Laakiin sheekada yaabkeedu wuxuu yahay ninkan hantida intaas la’eg ku bixinaya guurka gabadhiisa wuxuu bannaanka ku joogaa racfaan maxkamadeed oo waxaa loo haystaa eedeymo ku salaysan musuqmaasuq, kuwaasi oo uu gaashaanka u daruuray.
Guurka waxaa amaankiisa sugaya sadex kun oo ilaallo gaar ah iyo sadex boqol oo ciidamo Booliis ah oo ay ku jiraan kuwa qaraxyada ka hortaga iyo waliba eeyaha wax uriya.


