Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, ayaa waxaa ku soo baxay Xubno ka dhex muuqday Dowlada Iminka jirta.
Faarax Sheekh C/qaadir ayaa noqday Xildhibaan, kadib markii uu ka guuleystay Cismaan Maxamed Axmed iyo Ilyaas Maxamed C/kariin.
Sidoo kale Xubnaha guuleystay waxaa ka mid ah Wasiirka Amniga Somaliya C.risaaq Cumar Maxamed.
Waxaa kale oo Xildhibaaninimada deeganada Hirshabelle ee Aqalka hoose ku guuleystay Maxamed C/laahi Sanbaloolshe Safiirka Somaliya u fadhiya dalka Turkiga.
Doorashada ayaa weli ka socota Magaalada Jowhar, iyadoo Qorshaha uu yahay in 13 Xubnood Wajiga koowaad ee Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Hirshabelle lagu doorto.


