Milkiilaha Chelsea oo laga yaabo inuu Conte ula dhaqmo qaab aan looga baran !

Antonio Conte ayaa laga yaabaa inuu sii ahaado tababaraha kooxda Chelsea xitaa haddii aysan Blues xilli ciyaareedkaan ku dhammeysan afarta kaalin ee sarre ee horyaalka England Premier League, sida ay qortay majaladda The Sun.

Chelsea ayaa laba guuldarro oo xiriir ah la kulantay labadeedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka EPL taasoo keentay inay u dhacdo kaalinta 5aad, iyadoo shan dhibcood ka dambeysa kooxda Tottenham.

Sidoo kale, Chelsea ayaa Arbacada soo aadan wajaheysa kooxda Barcelona lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League.

Balse iyadoo laga yaabo inay Chelsea marto xilli ciyaareed fashil ah, hadana milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa laga yaabaa in uusan shaqada ka raacdeyn tababare Antonio Conte maadaama uu si weyn uga cabanayo in aan si ku filan loogu taageerin qorsheyaashiisa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Ilo ku dhow kooxda ka dhisan Stamford Bridge ayaana u sheegay majaladda The Sun: “Roman maalmahaan kuma farxo inuu shaqada ka raacdeeyo tababareyaasha.

“Inay kooxdu ka ciyaarto tartanka Champions League ayaase u muhiim ah. Roman maalmahaan fursad walba ayuu siiyaa tababareyaasha.

“Roman-se wuxuu ku caroon doonaa Antonio haddii uu markale ka cawdo inaan la siin lacag uu geliyo suuqa kala iibsiga.”

Conte ayaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ku qarash gareeyey 180 milyan oo ginni tan iyo xagaagii 2016kii markaasoo uu yimid Chelsea, laakiin weli wuxuu ku doodayaa in aysan Blues la tartami karin Manchester City.

Bilyaneerka u dhashay dalka Russia ayaa caado u lahaa inuu raacdeeyo tababare walba oo ku guuldarreysta inuu koob usoo xareeyo Chelsea ama ay kasoo horjeestaan ciyaartoyda kooxda, balse markaan qaab aan looga baran ayuu ula dhaqmi doonaa Conte oo u dhashay dalka Italy.