Ururka Midowga Yurub ayaa lacag dheeraad ah ugu deeqay dowladda Soomaaliya taasoo loogu talagay in laga hormariyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale bulshada liidata.
Neven Mimica oo ah gudoomiyaha guddiga hormarinta ururka midowga Yurub ayaa sheegay in ay Soomaaliya ugu deeqeen lacag dhan €73-milyan oo Yuuro oo loogu talagay in lagu hormariyo hay’adaha dowliga ah.
Neven Mimica ayaa cadeeyay in lacagtaas lagu taageeri doono shaqo abuurka dhalinyarada iyo sidoo kale laamaha dowladda.
Ururka Midowga Yurub ayaa taageera dowladda Soomaaliya.


