Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ku waxyeeloobay Qarax lagu weeraray Suuqa Bakaaraha

Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax Bam oo lagula eegtay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankaan oo maraayay qaybta Kaluunka lagu iibiyo Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan nawaaxiga halka loo yaqaan Cabdala Shideeyaha, ayaa rag dhalinyaro ah oo Shabaab ka tirsan waxa ay ku tuureen Bam.

Saddex Askari ayaa dhaawac soo gaaray iyo nin dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj halkaasi taalay, lama soo sheegin wax dhimasho ah oo ka dhashay qaraxaasi ciidamada lagu tuuray.

Qaraxa kadib rasaas xoogan ayeey fureen ciidamada, balse ma aysan jirin wax Khasaare ah oo ka dhashay rasaasta ciidamadaasi ay fureen.