Muqdisho-RisaalaFM- War kooban oo ka soo baxay Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in dolwadda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan baaritaan ku aadan 5 Askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM oo la sheegay in suuqayada Muqdisho ay ku iibin jireen Hubka, iyo Agabka kale ee loo keeno ciidanka AMISOM.
Midowga Afrika ayaa sheegay in Askarta ku eedeysan dambiga ah in ay iibin jireen qalabka ciidan ee loo keeno AMISOM waxaana ay sheegeen in dib loogu celin doono wadamada ay ka soo jeedaan si loogu Maxkamadeeyo dalalkooda.
Shalay ayay aheyd markii 5 Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo shaqsiyaad la shaqeynayay ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku qabteen Garaash ku yaala Wakaaladii Biyaha ee aga’gaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka midowga Afrika ayaa waxaa ay ka badan yihiin 22,000 oo askari kuwaas oo ka shaqeynaya soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya waxaana go’aankoodu yahay in ay hadafkaas xaqiijiyaan ma ahan in ay noqdaan kuwo daneystiyaal ah sida hadda ay sameeyeen tiro yar oo kamid ah askarta.


