Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa goor dhow xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala si toos ah uga furmay Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir iyo gobolada ku teetsan.
Tartanka degmooyinka gobolka Banaadir ee Idaacadda Risaala ayaa waxaa taaba galinaya Shirkada Cabitaanada COCA COLA oo dalka keenta cabitaano dhadhankooda uu aad u sareeyo.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi ayaa si toos ah udaah furay tartanka, waxaana uu sheegay in tartanka degmadii ku guuleysta abaalmarin ay ku faraxdo heli doonto ciida ka hor.
Galabta waxaa Tartanka degmooyinka Idaacadda Risaala kuwada bartamaya degmooyinka Afgooye iyo Awdhiigle oo labaduba ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose.
Natiijada ka soo baxda tartanka Labadan degmo u dhaxeeya kala soco Risaala.net




