Mid ka mid ah Ergadii Galmudug oo caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ku soo dooratay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug.

Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen masuuliyiinta degmadaasi.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Axmed C/qaadir Xuseen, kaasi oo xilligii la dilayay ka soo baxay Geerish ku yaalla xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda.

Dhalinyaro ku hubeysan bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Marxuum C/qaadir, kuwaasi oo goobta ka baxsaday daqiiqo ka hor inta aysan Ciidamada ammaanka halkaasi soo gaarin.

Ciidamada ammaanka oo ku raadjooga dableydii fulisay dilkaasi ayaa xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Warta-nabadda waxa ay ka wadaan Howlgallo, si gacanta loogu soo dhigo raggaasi.

Shabaab ayaa horey waxa ay u sheegeen in ay beegsanayaan Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay degaan Doorashooyinka dalka, waxaana magaalada Muqdisho ka socda dilalka loo geysanayo Ergada iyo Askarta Ciidanka Dowladda ka tirsan, inkastoo Hay’adaha ammaanka ay wadaan dadaalo falalkaasi looga hortagayo.