Muqdisho-RisaalaFM- Qarax Gaari ayaa caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino ayaa gaarigiisa looga xiray sarkaal ka tirsan Millitariga Soomaaliya, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka oo aan la xiriirnay.
Sarkaal ka tirsan Hay’adda NISA oo si hoose ula hadlay Risaala ayaa sheegay in uu bad baaday sarkaalka, balse uu burbur soo gaaray Gaarigii uu watay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay Qaraxan in ay ku dhaawacantay Haweeney goobta uu Qaraxa ka dhacay ku laheyd maqaaxi, taasi oo loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Muqdisho.
Ciidanka xasilinta Caasimadda oo wata Gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan Howlgallo amni xaqiijin ah.


