Daawo Sawirada Meydad lagu soo bandhigay Kismaayo

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose, ayaa sheegaya in goor dhaweyd Magaaladaasi lagu soo bandhigay meydadka Afar ruux oo Shabaab ka tirsan.

Afarta ruux ee Shabaabka ka tirsan ee la soo bandhigay ayaa la sheegay inay ku dhinteen duqeymo xalay Diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Buulo gaduud oo Qiyaastii 30-KM u jirta Magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dadkaas lagu dilay duqeyn ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Wararka waxa ay sheegayaan in meydadkaan ay ka muuqdaan rasaastii lagu dilay iyo waxyeelo kale oo rasaas u badan.

1 14 13 12 11 9 8 7 6 5 4 3 2