Isaga oo ka hadlaya munaasabad lagu caleema saarayay madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sameeyay balan qaad dad badan su’aal ku dhaliyay.
Balan qaadkaasi ayaa ahaa in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xiriir wadashaqeyn oo wanaagsan la yeelan doonto dowlad goboleedyada dalka, isla munaasabadaasi waxaa xaadir ku ahaa oo fadhiyay Madaxweynaha la caleemasaarayay ee Koonfur Galbeed,Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle, Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo ergooyin ka socday Jubbaland.
Falanqeeyayaasha siyaasada ka faalooda ayaa balanqaadka Madaxweyne Farmaajo ku micneeyay isbadel siyaaseed oo ku saleesan in madaxdii hore ee maamulada dalka khilaafkana kala dhaxeeyay dowladda dhexe meesha laga saaro, lana keeno madaxweyneyaal dowladda wadato, si looga baaqsado khilaaf hor leh.
Xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ayaa gaaray meeshii ugu xumeyd abid tan iyo markii madaxweyne Farmaajo la doortay, waxa ayna xiriirka u jareyn dhowr mar, iyagoo ku eedeeyay faragelin iyo in uusan kala tashan go’aamada quseeya masiirka dalka.
Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa mar uu ka hadlayay in uu uu sii jirayo xiriirka kala dhaxeeyo golaha iskaashiga maamul goboleedyada oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe, sheegay in Puntland ay qeyb kasii ahaan doonto golahaasi, taasi oo dhalisay shaki ah in Puntland dhabaheydii hore kusii taagnaan doonto.
Hayeeshee dadka qaar ayaa qaba in xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada uu soo hagaagi karo, hadii siyaasad furfurnaan ah la timaado Villa Soomaaliya.