Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday rag ka tirsan Al-shabaab

Maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida dowladda Soomaaliya  ayaa saakay xukun dil ah ku riday Afar qof oo la sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Dadka saakay la xukumay ayaa magacyadooda waxaa lagu sheegay  Siyaad Xasan Faarax , Xasan Aadan Mursal ,C/ladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed

 

Liibaan Cali yarrow oo ah Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida  ayaa sheegay dadka ay saakay maxkamadu xukun ku riday in afar ka mid ah ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab,halka mid kale uu yahay askari katirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qof shacab ah ku dilay magaalada Baydhabo.

28-kii Febraayo ayaa magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay qaraxyo ay ku dhinteen dad badan