Maxkamad Mareykanka ku taala oo racfaan u diiday muwaadin Soomaaliyeed

Muwaadin Soomaaliyeed oo qirtay inuu door ku lahaa weerar burcad badeed oo Soomaaliya ka dhacay sanadkii 2009 ayaa loo diiday inuu racfaan ka qaato xukun maxkamad lagu riday, kadib markii lasoo taagay maxkamad ku taala Mareykanka.

C/welli C/qaadir  Muuse, oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa qirtay inuu ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday markabka Maersk Alabama xili uu marayay xeebaha Soomaaliya, wuxuuna markii la qabanayay sheegay inuu 16 sano jir ahaa, balse kadib ayuu u sheegay FBI-da Mareykanka inuu 18 ilaa 19 sano jir yahay.

Qaadiga maxkamada koofurta magaalada New York ayaa ogaaday in C/welli C/qaadir uu ahaa 18sano jir markii la qabanayay, taasi oo keentay inuu dhowr jeer been u sheegay hayadaha amaanka dalka Mareykanka, waxaana la hayay cadeymo ah inuu weerarka ku lug lahaa.

Garsoorka maxkamada lasoo taagay muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in masuuliyiinta ay go’aansadeen in  xukunka uu ahaa mid dhacay oo aan laga laaban karin, beenta uu sheegay marar badanna ay qasabtay in racfaanka loo diido.

Mareykanka ayaa waxaa marar badan maxkamad lagu soo taagay dhalinyaro Soomaaliyeed oo loo heysto falal la xiriira burcad badeednimada, waxaana badankood lagu riday xukuno ka badan 10 sano oo xabsi ah.