Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xayiraad muddo saacado ah oo lagu soo rogay wafdi uu hogaaminayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali, kuwaasi oo lagu xayiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa xalay loo ogolaaday iney ka duulaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi maadaama ay kusii jeedeen dalka Turkiga, kadib markii saacado kooban laamaha amaanka ay ku xayireen garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.
Warar dheeraad ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in sababta wafiga ra’iisul wasaaraha loogu xayiray garoonka magaalada Nairobi ay tahay arimo dhanka amaanka ah, sida lagu daabacay wargeyska the Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.
Wargeyska ayaa sheegay in diyaarada ay la socdeen wafdiga ra’iisul wasaaraha in shaki weyn laga muujiyay inaan lagu baarin garoonka diyaaradaha ee magaalada Wajer halkaasi oo lagu baaro dhamaan diyaaradaha ka taga dalka Soomaaliya.
Sarkaal ka tirsan waaxda amaanka garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee JKIA ayaa wargeyska u sheegay in xaqiiqda ka dambeysa hakadka la geliyay wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ay tahay arimaha dhanica amaanka.
Wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka kooban 20 xubnood oo ay ku jireen seddex wasiir, ayaa markii dambe xalay loo ogolaaday iney ka baxaan dalka Kenya ayna sii wataan safarkooda oo ku wajahnaa dalka Turkiga.
Sidoo kale waxaa jira xubno kale oo dowlada Soomaaliya ka tirsan kuwaasi oo iyagana saaka ka duulaya garoonka diyaaradaha magaalada Niarobi ee Joma Kenyatta International Airport.